HomeWararMuseveni oo lagu Eedeyay inuu xasuuq u adeegsaday Ciidamo laga qaaday Somalia

Museveni oo lagu Eedeyay inuu xasuuq u adeegsaday Ciidamo laga qaaday Somalia

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warbixin ay BBC-da ka qortay dad rayid ah oo lagu laayay Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, xiligii dalkaas ay ka socdeen ololaha doorashada ayaa waxaa ka hadlay Hon. Makindye E oo kamid ah siyaasiyiinta Mucaraadka ee Uganda. Hadal-qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay Hon. Makindye ayuu si kulul ugu Cambaareeyay falkii lagu laayay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbixin ay BBC-da ka qortay dad rayid ah oo lagu laayay Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, xiligii dalkaas ay ka socdeen ololaha doorashada ayaa waxaa ka hadlay Hon. Makindye E oo kamid ah siyaasiyiinta Mucaraadka ee Uganda.

Hadal-qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay Hon. Makindye ayuu si kulul ugu Cambaareeyay falkii lagu laayay dadkii rayidka ahaa oo u badnaa taageerayaasha Mucaaradka, waxaana xasuuqa uu ku eedeeyay Ciidamo ka tirsan Uganda oo laga qaaday dalka Soomaaliya, xiligii ololaha doorashada Uganda.

- Advertisement -

Sidoo kale Hon. Makindye E waxaa uu sheegay in Ciidanka xasuuqa geystay uu Magaalada Muqdisho ka qaaday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo adeegsaday, isagoona falkaas ku tilmaamay mid lagu Argagax gelinayo dadka Ugandheeska.

“Waxay qiraysaa inay dileen dadkeenna Biri-ma-geydada ee safka ku jiray, iyadoo caddayntiina ee BBCAfricaEye, waxa uu isaga Ciiddamo Komaandoos ah ka keensaday Somalia si ay u argagax geliyaan dadka Ugandheeska. Rajo,xitaa adiga waad awoodaa inaad adeegsato” ayuu yiri Siyaasiyi Hon. Makindye.

Dhinaca kale Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo la hadlaayay siyaasiga Mucaaradka Bobi Wine ayaa waxaa uu ku faanay inuu heysto Ciidamo ka yimid Magaalada Muqdisho oo Kampala la geeyay, xiligii ka socdeen ololaha doorashada dalkaas.

- Advertisement -

“Waxaa arkaa iyagoo ku qeylinaya Bobi Wine meel kasta. Aniga waxaan iri: “OK. Waan arki doonaa”. Guddigayga ayaan heegan geliyey. Wiilashayda waa ka soo laabteen Mogadishu, weyna og yihiin wax aan u socomo inaan samayno”ayuu yiri Museveni.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay Madaxtinimada dalkaas, waxaana doorashadii ugu dambeysay uu ku guuleystay Bishii Janaayo ee sanadkan 2021.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts