HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo Mas'uuliyiin cusub magacaabay

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Mas’uuliyiin cusub magacaabay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow magacaabay Agaasimeayaal cusub oo kamid noqonaya shaqaalaha laba Wasaarad.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda loogu magacaabay inuu noqdo Xasan Maxamed Saciid Samatar.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada u magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, waxaana labada Agaasime cusub ay bedelayaa Agaasimeyaashii hore ee xilalkaas haayay.

Magacaabista ayaa kusoo aadeysa, iyada oo shalay Rooble soo saaray Warqad uu Golihiisa Wasiirada iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda uga joojiyay magaaacista xilalka iyo inay gaaran go’aan uusan ogeyn Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Go’aankaas ayuu Rooble ku sheegay waxaa lagu sheegay in uu fududeynayo wadashaqeynta, isla-xisaabtanka laamaha amniga dowladda iyo in aan la qaadan go’aan saameyn siyaasadeed ku yeelan kara dalka, xiligaan lagu kala guurka.

- Advertisement -

Latest stories