HomeWararGalmudug oo kala dirtay Guddigii dhismaha Golayaasha degaanka Maamulkaas

Galmudug oo kala dirtay Guddigii dhismaha Golayaasha degaanka Maamulkaas

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Go’aan ay ku kala dirtay Guddigii farsamada ee dhismaha Golayaasha deegaanada Maamulkaas. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Galmudug ahna sii-hayaha xilka Wasiirka Axmed Cismaan Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in la kala diray Guddigii farsamada dhismaha Golayaasha deegaanada degmooyinka Galmudug. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Go’aan ay ku kala dirtay Guddigii farsamada ee dhismaha Golayaasha deegaanada Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Galmudug ahna sii-hayaha xilka Wasiirka Axmed Cismaan Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in la kala diray Guddigii farsamada dhismaha Golayaasha deegaanada degmooyinka Galmudug.

- Advertisement -

Sababta loo kala diray Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in wadashaqeyn la’aan dhex jirto Guddoonka Guddiga iyo xubno kale oo isku khilaafay hab-raaca dhismaha Golaha deegaanka degmada Balanbale ee Galgaduud.

Arrintaan ayaa kusoo aaday, iyada oo maanta oo talaado filayo in degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ay ka dhacdo doorashada Golaha deegaanka, kadib markii dhawaan lasoo xulay xubnaha Golaha oo uu ka jiro is qab-qabsi.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maalmo kahor xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Arrimaha gudaha Maamulkaas Cabdi Waayeel, isagoona ka hor yimid xilka qaadista lagu sameeyay, taas oo ka dhalatay xiisad la xiriirta dhismaha Golaha deegaanka Balanbale.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Wasiir Axmed Cismaan Aadan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts