HomeWararFanaan Sharma Boy oo Maanta loo dhaadhiciyey xabsiga weyn

Fanaan Sharma Boy oo Maanta loo dhaadhiciyey xabsiga weyn

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Fannaanka Sharmaake Cabdinaasir Maxamed oo loo yaqaano Sharma Boy oo shalay lagu xiray Saldhig ku yaalla Maagaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee Garoowe. Waaxda dembi baarista CID-da ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa fanaanka Sharma Boy Su’aalo kala duwan ka weydiisay Shilkii gaari ee shalay ka dhacay deegaanka Buura-wadal […]

- Advertisement -

Fannaanka Sharmaake Cabdinaasir Maxamed oo loo yaqaano Sharma Boy oo shalay lagu xiray Saldhig ku yaalla Maagaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee Garoowe.

Waaxda dembi baarista CID-da ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa fanaanka Sharma Boy Su’aalo kala duwan ka weydiisay Shilkii gaari ee shalay ka dhacay deegaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

Sharmaake Cabdinaasir ayaa loo heystaa shilkaas dhacay oo ay ku geeriyootay Gabar saarneyd gaariga shilka galay oo uu waday Sharma Boy, waxaana shilku dhacay xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buura-wadal.

Sidoo kale Shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof kale oo gaariga saarnaa, kuwaasi oo la sheegay in dhaawacyadooda ay yihiin kuwo fudud, waxaana Maanta fanaanka loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee Garoowe.

Sharmaake Cabdinaasir Maxamed ayaa maalmo kahor gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, isagoo shalay galay shil gaari oo khasaaro geystay, iyadoona Booliska Maamulka ay sheegeen inuu socdo baaritaano ku aadan shilkaas dhacay.

Latest stories