HomeWararFaah faahin: Qarax lagu dilay Ciidamo oo ka dhacay Jubbada Hoose

Faah faahin: Qarax lagu dilay Ciidamo oo ka dhacay Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland oo sacdaal ku marayay wadada u dhexeeysa degmada Afmadow […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland oo sacdaal ku marayay wadada u dhexeeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqani.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa ku dhintay saddex Askari iyo Sarkaal magacaabiisa lagu soo gaabiyay Cabdullaahi Carab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan Askar dhaawacyo soo gaareen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan degmada Afmadow oo loo maleynayo inay ka dambeeyeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah la eegta Ciidamada dowladda  iyo kuwa maamul Goboleedyada, xiliyada ay ku socdaalayaan waddooyinka, waxaana dhowr jeer oo horey sidaan oo kale qarax loola eegtay Ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Latest stories