HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Majaajiliiste Sooraan

Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Majaajiliiste Sooraan

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Burco. Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Sooraan Ismaaciil uu kamid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Burco.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Sooraan Ismaaciil uu kamid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan.

- Advertisement -

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyoodey magaalada Burco.
Abwaanku Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka da’yarta Somaaliyeed, isagoo waqtigiisii iyo hibadiisii faneed u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka qabyaaladda, musuqmaasuqa, cooladaha sokeeye, adeegsiga maandooriyaha iyo xaalufinta deegaanka. Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo imaanna uu ka siiyo qoyskiisa, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Latest stories