HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida ku timid Abwaan Sooraan

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida ku timid Abwaan Sooraan

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Burco. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Sooraan Ismaaciil uu kamid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Burco.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Sooraan Ismaaciil uu kamid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan..

- Advertisement -

Rooble ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariitee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule, wuxuuna Alle uga baryay inuu Jannadii Firdows ka waraabiyo, samir iyo iimaana kasiiyo bulshada Soomaaliyeed.

“Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan.. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Abwaan Sooraan ayaa waxaa uu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen, waxaana la xaqiijiyay inuu u geeriyooday Cudurka halista ah ee COVID-19 oo maalmihii lasoo dhaafay uu la xanuunsanayay.

Latest stories