HomeWararJubbaland oo markale ka hadashay Shirka Madaxda ee ka furmaya Muqdisho

Jubbaland oo markale ka hadashay Shirka Madaxda ee ka furmaya Muqdisho

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo talaado ah ka hadashay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo in 20-ka bishaan May 2021 uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay Jubbaland soo dhaweyneyso Shirka uu […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo talaado ah ka hadashay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo in 20-ka bishaan May 2021 uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay Jubbaland soo dhaweyneyso Shirka uu Madaxda isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Xuseen Rooble ee furmaya 20-ka bisha.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiiru dowlaha in Maamulkiisa uu rajo wanaagsan ka qabo Shirka Madaxda, isla markaana xusay in xal laga gaari doono khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo aan weli heshiis laga gaarin.

Xirsi Jaamac Gaani ayaa tilmaamay in Shirka looga wada hadli doono wax kasta oo u baahan in xal laga gaaro, isagoona sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble looga baahan yahay inuu dhex-dhexaad noqdo, maadaama lagu wareejiyay maamulka Doorashada.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka Shirka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta isugu yeeray Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo 20-ka bishaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo gaaran Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Latest stories