HomeWararAskar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo weerar dhabba-gal ah lagu dilay

Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo weerar dhabba-gal ah lagu dilay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya uu weerar dhabba-gal ah ku qabsaday duleedka deegaanka Warmaxan ee Gobolkaas. Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda oo socdaal ku marayay wadada laamiga ah ee duleedka deegaanka Warmaxan, […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya uu weerar dhabba-gal ah ku qabsaday duleedka deegaanka Warmaxan ee Gobolkaas.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda oo socdaal ku marayay wadada laamiga ah ee duleedka deegaanka Warmaxan, waxaana weerarka ka dhashay isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarka dhabba-galka ay ku dileen saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas waxaa ay kusii dareen inay qabsadeen saanado hub ah oo ay wateen ciidamada dowladda, waa sida ay hadalka u dhigeen, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka oo ku aadan weerarkaas dhacay.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagula eegtay weeraro Jad-gal ah oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana xusid muran in Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda ay halkaas ku dagaalameen.

Latest stories