HomeWararMid kamid ah Magaalooyinka Somaliland oo Amaro cusub laga soo saaray

Mid kamid ah Magaalooyinka Somaliland oo Amaro cusub laga soo saaray

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddiga Amniga Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland oo Maanta oo Axad ah kulan looga hadlaayay amniga ku yeeshay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyagoona soo saaray amaro. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta amniga Magaalada Laascaanood, waxaana kulanka laga soo saaray amaro cusub oo ku socda shacabka kunool Magaaladaas. Guddiga Amniga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Amniga Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland oo Maanta oo Axad ah kulan looga hadlaayay amniga ku yeeshay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyagoona soo saaray amaro.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta amniga Magaalada Laascaanood, waxaana kulanka laga soo saaray amaro cusub oo ku socda shacabka kunool Magaaladaas.

- Advertisement -

Guddiga Amniga Gobolka Sool ayaa sheegay in marnaba hub aan sharci aheyn lagu dhex qaadan karin gudaha Magaalada, isla markaana qofkii aan ka tirsaneyn Ciidamada ee la arko isaga oo hub wata la horgeyn doono sharciga.

Sidoo kale Guddiga ayaa amarada uu soo saaray waxaa ku jira in qof shacab ah uusan iska xiran karin tuutaha Ciidamada, lana qaban doono cidii arrintaas lagu arko, sidoo kalena la joojiyay gaadiidka waqtiga dambe soo gala Laascaanood.

Guddiga Amniga Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland ayaa laamaha amniga faray inay xoojiyaan sugida amniga Magaalada, ayna ka hortegan wax kasta oo amni darro keeni kara, maadama deegaanada Maamulkaas la filayo inay ka dhacaan doorashooyin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts