HomeWararTaliyaha Ciidanka Booliska oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Shariif

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Shariif

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa galabta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho iyo xoojinta heshiiskii laga gaaray Qalalaasihii ka dhacay Muqdisho […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa galabta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho iyo xoojinta heshiiskii laga gaaray Qalalaasihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay muddo kororsiga.

- Advertisement -

Waxaa kaloo kulanka Taliye Xijaar iyo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif looga wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa kalsoonidii ay markii hore Musharaxiinta ku qabeen Ciidanka Booliska dowladda.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona ka wada hadlay qorshaha sugida amniga Musharaxiinta.

Kulamadan uu Taliye Xijaar la qaatay Madaxweyneyaashii hore ee dalka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maalintii shalay aheyd Magaalada Muqdisho isaga baxeen Ciidamada Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Latest stories