HomeWararSheekh Shariif oo Baaq u diray Dowladda Federaalka, kadib musiibo dhacday

Sheekh Shariif oo Baaq u diray Dowladda Federaalka, kadib musiibo dhacday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay la kulmay qoysas Carruur ay shalay uga dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa qoysaska uga tacsiyeeyay Carruurtii ka geeriyootay, isla markaana waxaa uu Alle ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay la kulmay qoysas Carruur ay shalay uga dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa qoysaska uga tacsiyeeyay Carruurtii ka geeriyootay, isla markaana waxaa uu Alle ugu baryay inuu badal kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaska, isagoona  garab istaagna u muujiyay.

- Advertisement -

Xasan Cabdullaahi Gacal oo 5 Carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalid 3 carruur ah oo hooyadood Cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay oo Carruurtoodii ku waayay daadad ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariifka ayaa waxaa ugu baaqay dowladda Federaalka  inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay.

- Advertisement -

Ugu yaraan 7 Carruur ayaa ku geeriyootay daadadkii ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Muqdisho, waxaana daadadka ay Carruurta ugu galeen Gurigii ay ku sugnaayeen oo ku yaalla xaafadda Buula-xuubey ee degmada Wadajir.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts