HomeWararAbuukaate Caawa lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Abuukaate Caawa lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maqribnimadii Caawa gudaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Abuukaate ka tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya. Dad ayaa waxaa ay ku warramay in Abuukaataha ay toogteen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, xili uu ku sugnaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan, isagoo u geeriyooday xabbado looga dhuftay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maqribnimadii Caawa gudaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Abuukaate ka tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad ayaa waxaa ay ku warramay in Abuukaataha ay toogteen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, xili uu ku sugnaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan, isagoo u geeriyooday xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka.

- Advertisement -

Abuukaataha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed, isla markaana waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo qaar kamid Ehelada Marxuumka oo meydka qaaday.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, waxsaana dilalkaas ay qeyb ka noqonayaa dilal horey uga dhacay Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts