HomeCaalamkaMadaxweynaha Tanzania oo socdaal ku tageysa Kenya iyo ujeedka

Madaxweynaha Tanzania oo socdaal ku tageysa Kenya iyo ujeedka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha dalka Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la filayaa inay berrito booqasho 2 maalmood ah ku tagto Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Afhayeenada Aqalka Dowladda Kenya, Kanze Dena-Mararo ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta casuumaadu fidiyey dhigiisa dalka Tanzania, waana socdaalkeedii u horeeyey ee iyadoo Madaxweyne ah ku booqato dalkaasi. Kulanka labada Madaxweyne waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la filayaa inay berrito booqasho 2 maalmood ah ku tagto Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Afhayeenada Aqalka Dowladda Kenya, Kanze Dena-Mararo ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta casuumaadu fidiyey dhigiisa dalka Tanzania, waana socdaalkeedii u horeeyey ee iyadoo Madaxweyne ah ku booqato dalkaasi.

- Advertisement -

Kulanka labada Madaxweyne waxa uu ka dhici doono Dhismaha Aqalka Dowladda Kenya ee magaalladda Nairobi.

Madaxweynaha Tanzania waxay sheegtay inuu Maamulkeeda  go’aansaday in la xaliyo qaar ka mid ah arrimaha u dhexeeya labada dal.

Bishii la soo dhaafay, Dowladda Kenya waxay ku hungowday qorshooyin si wadajir ah oo lagu dhisi lahaa Dhuumo shidaalka geeya dalka Uganda, kadib, markii  ay Dowladda Tanzania sababo la xiriira COVID 19 u xireen xuduudka dalkooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Marwo Samia Suluhu Hassan waxay bishii hore qaabishay Wasiirada Sport-ga ee dalka Kenya, Amina Mohamed, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka labada Waddan iyo sidii ay Guddiga Joogtada ee Isku-dhafka ee labada dal (the Joint Permanent Commission (JPC) uga wada hadli lahaayeen qorshaha lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Guddiga Joogtada ee Isku-dhafka ee labada dal waxa Kulnkoodii u dambeeyey yeesheen sanadkii 2016-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dalka Tanzania oo xilkaasi loo caleemo saaray bishii February waxay noqotay Madaxweynihii u horeeyey ee  dumar ah ee Madax ka noqoto dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts