HomeWararMahad Salaad oo 5 Qodob kasoo saaray khudbadii uu jeediyay Farmaajo

Mahad Salaad oo 5 Qodob kasoo saaray khudbadii uu jeediyay Farmaajo

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay khudbadii xalay uu jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu uga hadlay xaaladda Ckiran ee dalka iyo doorashada. Xildhibaan Mahad Salaad oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uusan Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa kusoo hadal qaadin xaaladda ka […]

- Advertisement -

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay khudbadii xalay uu jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu uga hadlay xaaladda Ckiran ee dalka iyo doorashada.

Xildhibaan Mahad Salaad oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uusan Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa kusoo hadal qaadin xaaladda ka taagan Muqdisho iyo Go’aankii muddo kordhinta sharci darrada loogu sameeyay.

- Advertisement -

Xildhibaanka ayaa sheegay in Farmaajo uusan ka tacsiyeen dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dadkii shalay ka barakacay guryahooda, isagoona Mdaxweynaha ku eedeeyay inuu iska indhotiray xaaladda ka dhex taagan Ciidamada.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uusan sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee jira, isla markaana uusna ku baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed,

Qoraalka uu soo saaray Mahad Salaad ayaa u qornaa  sidaan:

- Advertisement -

Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale:

1- Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.

2- Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.

3- Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.

4- Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.

5- Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo caadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.

Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.

Latest stories