HomeWararKhasaaro ka dhashay Qarax lagu weeraray Xarunta Taliska Asluubta ee Muqdisho

Khasaaro ka dhashay Qarax lagu weeraray Xarunta Taliska Asluubta ee Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Caasimadda. Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Caasimadda.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta dowladda Federaalka ee ku taalla Ex Koontarool Afgooye.

- Advertisement -

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar, waxaana haatan degan xaaladda aagga uu qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 10 qof oo isugu jira Askar ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo dad shacab ah oo wadada marayay ayaa ku geeridooday qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 8 qof,

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana jira burbur gaaray qeyb kamid Xarunta la weeraray, iyadoona sida caadada aheyd goobta ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo baaritaano sameeyay.

- Advertisement -

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaan weli ka hadli qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay afaafka hore ee Taliska Ciidanka Asluubta dowladda ee ku taalla Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

 

Latest stories