HomeCaalamkaMaxaad ka taqaan Ergeyga cusub ee Mareykanka u magacaabay Geeska Afrika?

Maxaad ka taqaan Ergeyga cusub ee Mareykanka u magacaabay Geeska Afrika?

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Diplomaasi Rug-cadaa oo lagu magacaabo Jeffrey David Feltman ayaa shalay loo soo magacaabay Xilkaasi. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony John Blinken, laguna soo daabacay Bogga Rasmiga ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Jeffrey David Feltman loo magacaabay Ergayga Khaaska Maraykanka ee Geeska Afrika (The U.S. Special Envoy […]

- Advertisement -

Diplomaasi Rug-cadaa oo lagu magacaabo Jeffrey David Feltman ayaa shalay loo soo magacaabay Xilkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony John Blinken, laguna soo daabacay Bogga Rasmiga ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Jeffrey David Feltman loo magacaabay Ergayga Khaaska Maraykanka ee Geeska Afrika (The U.S. Special Envoy for the Horn of Africa).

- Advertisement -

Magacaabistaasi waxay hoosta ka xariiqaysaa sida uu Maamulka Joe Biden uga go’an tahay inay hoggaamiyaan dadaalka Diplomaasiyadda Caalamiga (An international diplomatic effort) si wax looga qabto Siyaasadaha isku xiran, Ammaanka iyo Qalalaasaha Samafalka Aadminimo ee Geeska Africa.

Jeffrey David Feltman oo Haatan loo magacaabay Ergyga Khaaska ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika ayaa waxaa horyaala Shaqooyin Adag, oo ka mid ah sidii uu wax uga qaban lahaa Xaalladda dalka Ethiopia, gaar ahaan Colaada Gobalka Tigrayga ee u dhexeeya Jabhadda Tigrayga ee TPLF iyo Ciiddamada Dowladaha Federalka Ethiopia iyo Eritrea.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dagaalkaasi, halka Kumanaan kale ka barakaceen Gobalka Tigrayga oo Hoy u ahaa 5 million oo qof. Ergayga Cusub ee Maraykanka, Jeffrey David Feltman ayaa waxaa kaloo loo baahan yahay in Dhexdhexaadin Diplomaasiyadeed oo Adag ka galo Xiisadda ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan iyo Muranka ku gedaaman Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ee GERD.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ergayga Cusub ee Maraykanka ee Arrimaha Geeska Afrika, Jeffrey David Feltman oo 62 jir ah waxa uu sanadkii 1959-kii ku dhashay magaalladda Greenfield ee Gobalka Ohio. Waxa uu ku hadli karaa Luqadaha English, French, Arabic, Hebrew iyo Hungarian.

WQ: Ustaad Nuradin Haji,

Latest stories