HomeCaalamkaDowladda Itoobiya oo Digniin u dirtay qaar kamid ah dalalka Caalamka

Dowladda Itoobiya oo Digniin u dirtay qaar kamid ah dalalka Caalamka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay waddamada caalamka qaar inay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka, iyagoo sheegay in cadaadiskasta oo la saaro uusan ka hor istaagidoonin buuxinta Biyo-xireenka Al-Nahda iyo qabashada doorashooyinka dalka. Bayaan ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in cadaadisyada gudaha iyo dibaddaba ay ka […]

- Advertisement -

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay waddamada caalamka qaar inay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka, iyagoo sheegay in cadaadiskasta oo la saaro uusan ka hor istaagidoonin buuxinta Biyo-xireenka Al-Nahda iyo qabashada doorashooyinka dalka.

Bayaan ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in cadaadisyada gudaha iyo dibaddaba ay ka shaqeynayaan sidii ay waddanka u gelin lahaayeen dagaallo iyo fowdo.

- Advertisement -

Kulan ay yesheen Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa lagu sheegay in cadaadis kasta oo la dul dhigo ay fulin doonaan howsha buuxinta labaad ee biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Niil, iyaga oo sidookale digniin u diray wax ay ku tilmaameen fara galin shisheeye.

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya, inay ku garab istaagaan dowladooda horumarka iyo xasiloonida dalka.

Tani ayaa imaaneysa xilli Washington ay Jeffrey Feltman, u magacaawday ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, iyadoo la sheegay in arrinka Biyo-xireenka Wabiga Niil  uu qeyb ka yahay waxyaabaha mudnaanta leh ee uu ka shaqeeyn doona ergaygaan cusub ee Mareykanka uu u soo magacaabay Geeska Afrika.

Latest stories