HomeCaalamkaKoox hubeysan oo qabsatay deegaano ka mid ah Ethiopia

Koox hubeysan oo qabsatay deegaano ka mid ah Ethiopia

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Koox hubeysan ayaa la wareegtay gacan ku haynta degmo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, ayaga oo sida lagu warramay dilay dad shacab ah islamarkaana afduubtay shaqaale dowladeed, waxaa sidaas warbixin ku sheegay Arbacadii Guddiga Xuquuqda Aadanah Ethiopia, ee dowladda ay soo magacowday.

Guddiga ayaa sheegay in warbixino ay heleen ay sheegayaan in Sedal Woreda oo ku taalla galbeedka gobolka Benishangul-Gumuz “ay si buuxda gacanta ugu hayaan koox hubeysan tan iyo 19-kii April.”

- Advertisement -

Guddiga ma sheegin cidda ay yihiin kooxdan hubeysan. Deegaanka ayaa waxaa ku nool qiyaastii 25,000 oo qof, sida uu sheegay guddiga.

Gobolka Benishangul-Gumuz ayaa bilihii dhowaa waxaad aad uga dhacayey rabshadaha qowmiyadaha, waxaana bishii December ka dhacay weerar lagu dilay 200 oo qof oo shacab ahaa.

Gobolkan ayaa waxaa wada degan dhowr qowmiyadood oo ay ka mid yihiin Gumuz iyo Amxaaro, waxaana hareeyey weeraro is-daba joog ah oo la isugu jawaabayo.

- Advertisement -

“Dad kasoo qaxay deegaanka ayaa Guddiga Xuquuqda Aadanaha u sheegay in kooxda hubeysan ay gubeen oo ay bililiqeysteen hanti dowladeed iyo mid shacab. Sidoo kale mas’uuliyiintii deegaanka ayaa ka cararay. Waaa jira warbixino sheegaya shacab la dilay iyo shaqaale dowladeed oo la afduubtay,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Guddiga ayaa intaas ku daray in tiro yar oo ahaa ciidamada deegaanka ay ka awood iyo tiro bateen kooxda hubeysan.

Ethiopia ayaa la xarbineysa inay xakameyso rabshado qowmiyadeed iyo kuwa siyaasadeed kahor doorashooyinka qaran ee dhacaya bisha June.

Latest stories