HomeWararDowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Kenya iyo Jabuuti

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Kenya iyo Jabuuti

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin Culus u dirtay Dowladaha Kenya iyo Jabuuti, oo ay sheegtay in ay carqaladeyn ay ku wadaan go’aankii kasoo baxay Midowga Afrika. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka wada hadleen sidii dalka ay uga dhici laahyd doorasho qof iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin Culus u dirtay Dowladaha Kenya iyo Jabuuti, oo ay sheegtay in ay carqaladeyn ay ku wadaan go’aankii kasoo baxay Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka wada hadleen sidii dalka ay uga dhici laahyd doorasho qof iyo cod ah, taasi oo midowga Afrika ay gacan ka gaysanayaan, basle waxaa  wasiir Dubbe uu uu sheegay in  in Dowladda Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay wadaan olale dublomaasiyadeed oo ay doonayaan in ay cadaadis ku saaraan Guddiga Nabadda iyo amniga  Afrika, si Dowladda Soomaaliya aysan u taageerin muddo kordhinta ay sameysatay.

- Advertisement -

waxaa uu sheegay in dalal uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeya Soomaliya ay doonayaan in ay saameyn ku yeelan rabaan kulanka Guddiga Nabadda iyo aminga Afrikha, waxaana uu intaas ku daray in aysan Soomaaliya aqbali doonin faragalinta ay wadaan labada waddan ee Jabbuuti iyo Kenya.

“Urrurada aan xubinta ka nahay, Diblomaasiyiinta Shiyeeshe iyo Saaxiibada kale ee diblomaasiyadda Soomaaliya kala dhexeyso , waxaan si cad ugu sheegeynaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda ugu sarreyso ee sharci dejinta dalka, xeerarka ka soo baxana ay yihin go’aanka ugu dambeeya ee Qeenuuniga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumaddana ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas Dastuuriga ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Tan iyo markii ay Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddo kordhinta u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo waxaa soo baxayay dadaalada ay xukuumaddo taageerada ugu raadinayso sidii loo taageeri lahaa, waxaana jira Dowlado uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo sido Kenya.

- Advertisement -

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts