HomeWararGuddigii lagu muransanaa ee Doorashooyinka dalka oo la kala diray

Guddigii lagu muransanaa ee Doorashooyinka dalka oo la kala diray

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kulan afur ah la qaatay Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka. Guddigaan oo ay markii hore magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kulan afur ah la qaatay Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Guddigaan oo ay markii hore magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay la kala diray.

- Advertisement -

Guddiga ayaa waxaa la dejiyay hoteelo ku yaalla Muqdisho oo maalmo lagu siinayay Seminaaro ku aadan doorashooyinka, isla markaana soo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyo ku socda Madaxda dowladda Ferderaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Guuleed ayaa guddiyadii Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka uga mahadceliyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood.

Si kastaba Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddigaan ka kala diray ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan NISA iyo Shaqaale dowladeed, isla markaana aysan qaban karin doorasho loona baahan yahay in la kala diro.

Latest stories