HomeWararDowladda oo ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka COVID-19

Dowladda oo ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka COVID-19

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii lagu sameeyay baaritaano kala duwan. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayay ku sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,906 qof, isla markaana 242 qof oo kamid ah dadkaas laga helay Cudurka. […]

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kadib markii lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayay ku sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,906 qof, isla markaana 242 qof oo kamid ah dadkaas laga helay Cudurka.

- Advertisement -

Dhammaan dadka laga helay Cudurka ayaa ku kala sugan Somaliland (111), Puntland (75), Koonfur Galbeed (16), Hirshabeelle (12), Galmudug (11), Jubbaland (10) iyo Gobolka Banaadir (7), waxaana 127 kamid ah dadkaas ay yihiin Rag, halka 115 kalena ay yihiin Dumar.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta aya sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay Somaliland ugu dhinteen 10 qof, Galmudug 2 qof iyo Muqdisho 2 ruux, isla markaana waxaa ka bogsatay 67.

Tirada Guud dadka uu ku dhacay Xanuunka COVID-19 ayaa gaartay 13,079 qof, waxaana ka bogsaday 5,411 ruux, isla markaana gudaha Soomaaliya ay ugu geeriyoodeen 668 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dowladda.

Latest stories