HomeWararMidowga Musharaxiinta oo diiday Codsi uga yimid Farmaajo

Midowga Musharaxiinta oo diiday Codsi uga yimid Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd Shir la qaatay Madaxweeyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa looga arrinsaday Go’aan laga sugayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe Xuseen oo ku aadan inay caddeeyaan mowqifkooda muddo kordhinta labada sanno ee Farmaajo loo sameeyay. Labada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd Shir la qaatay Madaxweeyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga arrinsaday Go’aan laga sugayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe Xuseen oo ku aadan inay caddeeyaan mowqifkooda muddo kordhinta labada sanno ee Farmaajo loo sameeyay.

- Advertisement -

Labada Madaxweyne ayaa Shirka keenay farriin ay ka wadeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku sheegeen inuu Farmaajo doonayo inuu la kulmo Midowga Musharaxiinta, si loo wada-hadalo.

Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo aheyd codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo, waxaana la tilmaamay in inta uu socday Shirka ay dhinacyada dhexmartay dood kulul.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Shirkii xalay inta uu socday uu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen.

- Advertisement -

Shirka dhexmaray dhinacyada ayaa soo dhammaaday, iyada oo aan wax natiijo ah la gaarin, waxaana weli Musharaxiinta ay Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ka sugayaan inay si Cad u caddeeyaan mowqifkooda la xiriira muddo kororsiga Farmaajo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts