HomeWararFarmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Geelle oo markii 5-aad la doortay

Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Geelle oo markii 5-aad la doortay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5-aad dib loogu doortay xilka Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ugu hambeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Jabuuti. Sidoo kale Madaxweynaha muddo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5-aad dib loogu doortay xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ugu hambeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Jabuuti.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa waxaa uu guushii Madaxweynaha Jabuuti ku tilmaamay mid xoojineysa horumarka iyo xasilloonida Gobolka, isagoona xusay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka Gobolka.

“Waa guul  xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka,Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Latest stories