HomeWararNatiijada kiiskii Cabdixakiin Dhegajuun oo lagu wareejiyay Xeer Ilaalinta Qaranka

Natiijada kiiskii Cabdixakiin Dhegajuun oo lagu wareejiyay Xeer Ilaalinta Qaranka

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Guddigii Xukuumadda xil-gaarsiinta u xil saartay baaritaanka dilkii 21-ka bishii Janaayo 2021 loo geystay Guddoomiyihi hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta yeeshan kulankii 9-aad oo u qabsoomay Guddiga. Guddiga baarista dilkii Allaha u naxariistee Guddoomiye Cabdixakiin Dhegajuun ayaa natiijada kasoo baxday baaritaanka kiiska ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, si loogu sii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddigii Xukuumadda xil-gaarsiinta u xil saartay baaritaanka dilkii 21-ka bishii Janaayo 2021 loo geystay Guddoomiyihi hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta yeeshan kulankii 9-aad oo u qabsoomay Guddiga.

Guddiga baarista dilkii Allaha u naxariistee Guddoomiye Cabdixakiin Dhegajuun ayaa natiijada kasoo baxday baaritaanka kiiska ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, si loogu sii gudbiyo Maxkamad.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Yare oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore waxaa uu Ehelada Marxuum Cabdixakiin ugu cudur-daaray bilaha ay qaadatay baarista kiiska, wallow lasoo gaba-gabeeyay.

Guddoomiye Cali Yare ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ka dalbaday in si dhaqsi ah loo dadejiyo kiiskan, isla markaana Maxkamad lasoo taago dadkii ka dambeeyay dilkii Guddoomiyihii hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kiiska Marxuum Cabdixakiin lagu wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta, ayna rajeynayaan in qoyska Marxuumka ay cadaalad heli doonaan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Wasiirka amniga ayaa sheegay in Guddiga loo xil-saaray baarista kiiskaan uu dhowr jeer kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoona u mahadceliyay Guddiga ka shaqeeyay baarisa kiiskaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts