HomeCaalamkaMarkab Sirdoon oo lagu qarxiyey Badda Cas iyo Dowlad sheegatay

Markab Sirdoon oo lagu qarxiyey Badda Cas iyo Dowlad sheegatay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran ee (The Iran Revolutionary Guard Corps IRGC) ayaa shalay lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea. Markabkaasi oo lagu magacaabo SAVIZ ayaa waxaa la sheegay inay la kaacday Miino baddeed, waxaana soo gaaray Khasaaro aan weli la shaacinin. Telefishinka Al […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran ee (The Iran Revolutionary Guard Corps IRGC) ayaa shalay lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea.

Markabkaasi oo lagu magacaabo SAVIZ ayaa waxaa la sheegay inay la kaacday Miino baddeed, waxaana soo gaaray Khasaaro aan weli la shaacinin.

- Advertisement -

Telefishinka Al Hadath ayaa baahiyey inay Israel ka dambaysay Hawlgalkaasi oo u muuqda mid aargoosi ah, kadib, markii Iran lagu eedeeyey Qarax horey loola beegsaday 2 Markab oo Israel lahayd.

Sarkaal Maraykan oo magaciisa la qariyey ayaa u sheegay Wargeyska The New York Times (NYT) inay Israel xalay ku soo wargeliyeen inay qarxiyeen Markabka Sirdoonka Iran ee SAVIZ.

Markabka la qarxiyey oo nooca Siroonka ee wax basaasa waxa uu dhowr sano ku sugnaa Badda Cas, halkaasi oo la sheegay inuu Hawlo Sirdoon ka waday iyo inuu soo gelbin jiray Maraakiibta Ganacsiga Iran ee ka guduba Gacan-biyoodka Badda Cas.

- Advertisement -

W/Q: Ustaad Nuradin

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts