HomeCaalamkaXaalad Deg-deg ah oo looga dhawaaqay Gobol ka tirsan Suudaan

Xaalad Deg-deg ah oo looga dhawaaqay Gobol ka tirsan Suudaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Suudaan ayaa xaalad deg deg ah uga dhawaaqday galbeedka gobolka Darfur kadib dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof halka kumanaan kale ay ka barakaceen. Isnintii, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay dagaalka halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen kadib […]

- Advertisement -

Dowladda Suudaan ayaa xaalad deg deg ah uga dhawaaqday galbeedka gobolka Darfur kadib dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof halka kumanaan kale ay ka barakaceen.

Isnintii, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay dagaalka halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen kadib uu dagaal dhexmaray labo qowmiyadood oo degan magaalada El Geneina.

- Advertisement -

Dhawaaqa rasaasta ayaa galabnimadii shaley aheyd laga maqlayay deegaanada u dhaw magaalada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey waxay intaas ku dartay in xiisad ay weli ka taagan tahay magaalada xilli labada dhinac ay ciidan uruursi sameynayaan.

Waxaana hakad galay howlaha gargaarka isla markaana waxaa la hakiyay diyaaridihii gargaarka geyn jiray halkaas tan iyo inta amniga deegaanka laga xaqiijinayo.

Latest stories