HomeWararSheekh Shariif oo farriin u diray Hay’addaha amniga Dowladda

Sheekh Shariif oo farriin u diray Hay’addaha amniga Dowladda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir. Sheekh Shariif ayaa umadda Soomaaliyeed la wadaagay murugada iyo tacsida dhalinyaradii qaraxa lagu dilay, isagoona tacsi u diray dhammaan qoysaska dhalinyaradii ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Sheekh Shariif ayaa umadda Soomaaliyeed la wadaagay murugada iyo tacsida dhalinyaradii qaraxa lagu dilay, isagoona tacsi u diray dhammaan qoysaska dhalinyaradii ku geeriyootay qaraxa oo lala beegsaday Maqaayad laga shaax cabo.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qaraxaas ku tilmaamay inuu ahaa musiibo, waxaana dadka ku dhaawacmay oo gaarayay 5 qof uu Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tacsida dhalinyaradii qaraxa lagu dilay, anigoo marka hore tacsi u diraya dhammaan qoysaska dhalinyaradaas mustaqbalka u ahayd dalka ee naftii haliga qariban oo Shabaab ka tirsan uu ku qarxiyay degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Shariifka.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay waqtigooda galiyaa ka hortagga weerarada ka dhacaya Caasimadda dalka ee Muqdisho oo ay iska diidaan in Siyaasad lagu mashquuliyo.

- Advertisement -

Taliska Booliska dowladda ayaa xalay xaqiijiyay in 6 qof oo 4 kamid ah ay ahaayeen dhalinyaro siweyn looga yaqaanay Gobolka Banaadir ay ku geeriyoodeen qaraxii ka dhacay degmada Shangaani, halka 4 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts