HomeWararDowladda Turkiga oo si kulul uga hadashay Qaraxii ka dhacay Shangaani

Dowladda Turkiga oo si kulul uga hadashay Qaraxii ka dhacay Shangaani

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayad Shaaxa laga cabo oo ku taalla meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayad Shaaxa laga cabo oo ku taalla meel ku dhow Saldhiga degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday dhalinyarada, iyagoona ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid Argagixiso ah.

- Advertisement -

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sigaar ah ugu tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay, iyagoona dadka dhaawacmay u rajeeyay Caafimaad.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa qaraxa argagixiso, waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”ayaa lagu yiri Qoraalka.

Jugta qaraxii xalay ka dhacay degmada Shangaani ayaa waxaa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ku geeriyooday 6 ruux oo mid uu ahaa Ninkii is qarxiya, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts