HomeCaalamkaCabsi laga muujiyay Shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka

Cabsi laga muujiyay Shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

In kasta oo aad loo soo dhaweeyay wada hadalka dib u soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka haddana waxaa jira shaki  laga muujinaayo mira-dhalka wadahadalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan wada xaajoodka Nukliyeerka, Robert Malley, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, shalay wuxuu ku yiri: “kulanka Vienna ee la qorsheeyay inuu qabsoomo todobaadka soo socda waa talaabadii ugu horeysa ee loo qaaday soo nooleynta heshiiska Nukliyeerka Iiraan, laakiin wada hadalada way adkaan doonaan.”

- Advertisement -

Agaasimaha Hay’ada Tamarta Atomiga ee Iiraan, Cali Akbar Saalixi, ayaa dhankiisa ku sheegay hadal uu ka jeediyay habeenimadii Jimcaha Aaladda “Clubhouse” in wadahadalada farsamo ee la qorsheeyay in talaadada soo socota ay furmaan ayaa ka digay halista laga filan karo dhinacyada ka qeyb galaaya shirka.

Waxuu intaas ku daray in wada hadalkii khadka tooska ah ku dhexmaray wakiilada Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska, oo lagu daray Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan, uu ahaa mid jabiyay ismari waagii hore ee hortaagnaa wada hadalka Nukliyeerka.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa dhawr jeer lagu eedeeyay ku xadgudubka heshiiskii horay looga gaaray Nukliyeerka iyo falal  la xiriira ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, waxaana la saadaalinayaa in wadahadaladan ay hormuudka u yahiin Iiraan iyo Mareykanka aysan noqon doonin mid ka  fudud Labada dhinac.

Latest stories