HomeCaalamkaShil Tareen oo lagu le’day oo ka dhacay Taiwan

Shil Tareen oo lagu le’day oo ka dhacay Taiwan

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku geeriyootay Tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareen saakayto ku qalibmay Bariga Jesiiradda Taiwan. Wasaaradda Gaadiidka ee Jesiiradaasi waxay kaloo sheegeen inay ugu yaraan 72 qof ku dhaawacmeen Shilkaasi, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada. Tareenka ayaa la sheegay inuu ku qalibmay Hul (A tunnel) ay Tareenada maraan, […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku geeriyootay Tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareen saakayto ku qalibmay Bariga Jesiiradda Taiwan.

Wasaaradda Gaadiidka ee Jesiiradaasi waxay kaloo sheegeen inay ugu yaraan 72 qof ku dhaawacmeen Shilkaasi, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada.

- Advertisement -

Tareenka ayaa la sheegay inuu ku qalibmay Hul (A tunnel) ay Tareenada maraan, iyadoo wararku sheegayaan inay Tareenka la socdeen tiro badan oo Rakaab oo ka badnaa xadkii loogu tala-galay.

Baaritaan hordhac ayaa muujinaya in labo ilaa 3 Rimoorka Tareenka ay ka baxeen Khadka Tareenka, kadibna ay ku dhaceen Derbiga Hulka (smashed into the Tunnel wall).

Dhinaca kale, Maamulka Tareenada ee Taiwan (The Taiwan Railways Administration.) waxay sheegtay inay Tareenka qalibmay la socdeen 350 qof, kuwaasi oo ku sii jeeday Degmadda Taitung, si ay uga qeyb galaan Dabaaldeg maanta bilaaban doona, kaasi oo muddo isbuuc ah ka socon doona Jesiiradaasi.

- Advertisement -

Kumanaan qof ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Dabaaldegaasi oo loo yaqaano Qing Ming.

Si kastaba ha ahaatee, Shilkii Tareen ee ugu xumaa waxa uu ka dhacay Degmadda Yilan ee Bariga Taiwan sanadkii 2018-kii, iyadoo ay 18 qof ku geeriyootay.

©Ustaad Nuradin

 

Latest stories