HomeCaalamkaCiiddanka Cirka ee dalalka Masar iyo Sudan oo si wadajir u sameeyey...

Ciiddanka Cirka ee dalalka Masar iyo Sudan oo si wadajir u sameeyey Dhoolatus

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Marwa Airbase ee dalka Sudan waxaa shalay (Arbaco) Dhoolatus Wadajir ah ku sameeyey Ciiddanka Cirka ee labadaasi Waddan.

Dhoolatuskaasi oo loogu magac daray Gorgorkii Nile 2 (Nile Eagles 2) waxaa ka qeyb galay Ciiddamadda Khaaska ee Masar iyo Sudan.

- Advertisement -

Dhoolatuska waxa uu ku bilowday Casharo ku aadan Khibradaha loo baahan yahay si loo maareeyo Hawlgalladda Wadajirka ee Ciiddanka Cirka iyo Aqoonta Sare.

Diyaaradaha Dagaalka ayaa waxay iyagana qaadeen Dhoolatus wadajir ah, iyagoo duqeeyey bartilmaameedyo cayiman oo loo ekeysiiyey Baraha Cadowga.

Dhinaca kale, labada Ciiddan waxay qaateen Tababaro ku aadan Hawlgalladda Duufaanta iyo  Shiishka fogaanta dheer.

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Sudan, Jeneral Maxamed Othman waxa uu kormeeray Ciiddanka ka qeyb galayey Tababarka, isagoo goobjoog ka noqday Diyaaradaha kacaya iyo kuwii soo degayey ee qeybta ka ahaa Carbiskaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Masar waxaa lag sheegay in Hadafka Dhoolatuskaasi ahaa sidii Ciiddanka labada dal loogu tababari lahaa sidii ay u qaadi lahaayeen Hawlgalo Wadajir ah ee lagu beegsan karo Bar-tilmaameedyo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horeysay ee Ciiddanka Masaarida iyo kuwa Sudan si wadajir ah u sameeyaan Dhoolatus Milliteri, waxayna bishii November 15-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii sameeyeen Wejiga Koowaad ee Dhoolatuska Gorgorka Nile 1 (Nile Eagles 1).

©Ustaad Nuradin

Latest stories