HomeCaalamkaQaxooti Tigray ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Xadka ay Sudan...

Qaxooti Tigray ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Xadka ay Sudan la wadaagto Ethiopia

Date:

Related stories

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Labo Qaxooti oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga ayaa lagu dilay meel u dhow Xuduudka ay Sudan la wadaagto Ethiopia. Goobjoogayaal la hadlay Wargeys ka soo baxa dalka Sudan waxay sheegeen inay Ciiddanka Eritrea ay Deegaanka Dima ku dileen 2 Qaxooti, halka ay 2 kalena dhaawacmeen, iyadoo ugu yaraan 76 kalena ka baxsadeen Toogashadaasi. Qaxootiga […]

- Advertisement -

Labo Qaxooti oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga ayaa lagu dilay meel u dhow Xuduudka ay Sudan la wadaagto Ethiopia.

Goobjoogayaal la hadlay Wargeys ka soo baxa dalka Sudan waxay sheegeen inay Ciiddanka Eritrea ay Deegaanka Dima ku dileen 2 Qaxooti, halka ay 2 kalena dhaawacmeen, iyadoo ugu yaraan 76 kalena ka baxsadeen Toogashadaasi.

- Advertisement -

Qaxootiga badbaaday waxay kuwii dhaawacmay u daabuleen gudaha dalka Sudan, si loogu daaweeyo, halka Qaxootigii geeriyooday lagu aasay gudaha Sudan.

Qaxootigaasi oo ka mid ahaa Qaxootiga Ethiopianka ee ku jira Xarunta Soo-dhaweynta Qaxootiga ee Xamdayet ee Bariga dalka Sudan waxay dhamaantooda doonayeen inay dib ugu laabtaan Deegaanadooda ku yaalla Degmadda Xumeyra ee Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.

Qaxooti badan oo horey uga soo qaxay Colaadaha ka socda Gobalka Tigrayga ayaa waxay bilaabeen inay isaga soo baxaan Xerooyinka buux-dhaafay ee ku yaalla Bariga dalka Sudan.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Guddiga Qaxootiga dalka Sudan ee (The Sudan Commission for Refugees (COR), Ilaa 30,048 Qaxooti Tigray ah ayaa ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Xamdayet iyo Madiina oo ku yaalla Gobalka Gadaref ee dalka Sudan una dhow xuduudka Ethiopia.

Dib-u-laabashada Qaxootigaas ee Gobalka Tigrayga waxay ku soo beegantay, kadib, markii uu RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali dhawaan sheegay in Ciiddanka Eritrea laga daad-gureyn doono Gobalka Tigrayga, kuwaasi oo uu markii ugu horeysay qiray inay ku lug lahaayeen dagaalka ay Dowladda Ethiopia kula jirto Dagaalamayaasha Kooxda TPLF.

Kumanaan qof oo ka soo jeeda QowmiyaddaTigrayga ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay colaadahaasi oo socday tan iyo bilowgii bishii November ee sanadkii hore.

 

Latest stories