HomeWararPuntland oo beenisay War laga faafiyey Madaxweyne Saciid Deni

Puntland oo beenisay War laga faafiyey Madaxweyne Saciid Deni

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay warar sheegayay in Madasha Badbaado Qaran ay ka tanaasushay qorshaha ay ku dooneyso inay uga mid noqoto heshiis doorashada dalka, iyadoona Qoraalkaas laga soo xirtay Madaxweynaha Puntland. Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku beeniyay Qoraalka lagu sheegay inuu kasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay warar sheegayay in Madasha Badbaado Qaran ay ka tanaasushay qorshaha ay ku dooneyso inay uga mid noqoto heshiis doorashada dalka, iyadoona Qoraalkaas laga soo xirtay Madaxweynaha Puntland.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku beeniyay Qoraalka lagu sheegay inuu kasoo baxay Madaxweyne Deni ee ku aadan in Madasha Badbaado Qaran ay tanaasul ka sameeysay inay kamid noqoto heshiiska doorashada.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Jaamac Dabaraani in Qoraalka lagu faafiyay baraha Bulshada looga been abuuray Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isla markaana Qoraalkaas lagu sameeyay habka Online-ka ah.

“Wax la eryo been baa u gaabisa ! Ciwaanka saxda ah ee Madaxweynaha waakan H.E Said Abdullahi Deni sawirkana waa mid lagu been abuuray habka Online-ka ah” ayuu yiri Afhayeen Dabaraani.

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa siweyn uga soo horjeeda qorshaha dowladda ku dooneyso inay ku qabato doorashada, waxaana Madasha ay sheegtay inay dalka badbaadineyso.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts