HomeWararMuwaadin Soomaaliyeed oo goobtiisa Ganacsi lagu dhex dilay

Muwaadin Soomaaliyeed oo goobtiisa Ganacsi lagu dhex dilay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha Ganacsi. Dilka loo geystay Muwaadinka ayaa ka dhex dhacay goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape-town, waxaana goobta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha Ganacsi.

Dilka loo geystay Muwaadinka ayaa ka dhex dhacay goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape-town, waxaana goobta ugu dhex galay burcada hubeysneyd, iyagoona rasaas dhowr ah ugu dhuftay qeybaha sare ee Jirka.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cali, isla markaana waxaa goobta uu falkaas ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta, iyagoona sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo baxin, taas oo ah sida ay sheegeen Muwaadiniin Soomaali ah in aysan xil iska saarin sidii loo qaban lahaa dadka dilalka geysta.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa horey sidaan oo kale loogu dilay Muwaadiniin farabadan oo Soomaali ah, kuwaasi oo goobo Ganacsi ku lahaa dalkaas, iyadoo aysan jirin cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka mar kasta Koonfur Afrika loo geysto Muwaadiniinta Soomaalida ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts