HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Jubbada Hoose

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa uu ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka Baar-sanguuni. Dagaalkaas ayaa ka yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Baar-sanguuni, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa uu ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka Baar-sanguuni.

Dagaalkaas ayaa ka yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Baar-sanguuni, waxaana sidaas ku dhacay dagaal hub Culus la isku adeegsaday.

- Advertisement -

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka inta uu socday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen, sida hadalka ay u dheegeen Saraakiisha.

Faah faahin intaas ka badan ma aysan Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Juubbaland ka bixin weerarka, dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay intaba, wallow ay sheegeen oo kaliya inay guul gaareen.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa dhowr mar weeraro kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku qaaday Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ay ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts