HomeCaalamkaDowladda Turkiga oo Masar ku sifeeysay hal arrin iyo qorshe socda

Dowladda Turkiga oo Masar ku sifeeysay hal arrin iyo qorshe socda

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalin ayaa sheegay inay danaynayaan inay dib u soo celiyaan Xiriirkii ay Masar la lahaayeen, oo ay labada dal Baal Cusub bilaabaan. Afhayeenka waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu Isniintii shalay siiyey Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka, wuxuuna Masar ku sifeeyey sidii Maskaxda iyo Wadnaha Dunida Carabta […]

- Advertisement -

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalin ayaa sheegay inay danaynayaan inay dib u soo celiyaan Xiriirkii ay Masar la lahaayeen, oo ay labada dal Baal Cusub bilaabaan.

Afhayeenka waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu Isniintii shalay siiyey Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka, wuxuuna Masar ku sifeeyey sidii Maskaxda iyo Wadnaha Dunida Carabta oo kale (As the brain and heart of the Arab world).

- Advertisement -

“Waxaan doonaynaa inaan Masar iska kaashano Arrimaha Bariga Badda Mediterranean Sea, Libiya iyo Falastiin, oo ay u muuqato inay Caalamka ilaabeen” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga.

Waxa uu sii raaciyey inaysan Turkiga wax dhibaato ah oo la xalin Karin kala dhexeynin dal kasta oo Carab ah.

Bishii December ee sanadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu waxa uu sheegay inay Masar kala xaajoon karaan Heshiiska Calaamadaynta Xuduud-baddeedka labada dal, wuxuuse xusay inay arrintaasi ku xiran tahay xaalladda xiriirka labada waddan.

- Advertisement -

Sabtidii la soo dhaafay, Wasiirka Difaaca Turkiga, Hulusi Akar waxa uu caddeeyey in Go’aanka Masar ku xushmaynayso  xaqa Turkiga ee sahminta badda hoosteeda ee xuduudka Baddeedka Turkiga ee Badweynta Mediterranean-ka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay arrintaasi they Horumar muhiim ah iyo inay Turkiga rajeynayaan in la sii wado. Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalin waxa kale oo uu Wareysigiisa ku muujiyey inay Turkiga iyo Masar wadaagaan Taariikh, Dhaqan iyo Qiyamka Guud.

Latest stories