HomeCaalamkaRa’iisul Wasaaraha Suudan oo hal arrin u tegaya Magaalada Riyaadh

Ra’iisul Wasaaraha Suudan oo hal arrin u tegaya Magaalada Riyaadh

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ra’iiul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay duhurnimada maanta booqasho ku tagaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh. Wafdigaasi waxaa qeyb ka ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyada, Qorsheynta Dhaqaalaha, Beeraha, Maalgashiga Caalamiga, Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iiul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay duhurnimada maanta booqasho ku tagaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Wafdigaasi waxaa qeyb ka ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyada, Qorsheynta Dhaqaalaha, Beeraha, Maalgashiga Caalamiga, Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi.

- Advertisement -

RW Xamduuk waxaa jadwalka safarkiisa ka mid ah inuu kulamo la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS) iyo Ma’uuliyiin kale, halka Wafdigiisa Wasiirada ay kulamo la yeelan doonaan dhigooda Sacuudiga.

Madaxda Labada dhinac waxay isla gorfeyn doonaan Xiriirka Taariikhiga ee labadooda dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dhinacyada Ammaanka iyo Deganaanshaha labadooda Waddan ee walaalaha ah.

RW Sudan waxaa la sheegay inuu Sacuudiga ka dalban doono inay kordhiyaan Taageeradda Dhaqaale iyo midda Farsamo ee ay Sudan siiyaan, inkastoo uu dhaqaalaha Sacuudiga beryahan saamayn ku yeeshay Duqeymaha Kooxda Xuutiyiinta Yemen ku hayaan Xarumaha Shidaalka ee halbowlaha u ah Dhaqaalaha dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts