HomeWararVilla Soomaaliya'' Baaqa madaxweyne Farmaajo carqalad kuma ah wada hadallada Xukuumadda iyo...

Villa Soomaaliya” Baaqa madaxweyne Farmaajo carqalad kuma ah wada hadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedeyn ka timid xubnaha mucaaradka gaar ahaan Midowga Musharixiinta oo sheegay in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo uu carqalad ku yahay wada hadallada Ra’iisal Wasaaraha iyo mucaaradka. Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaanshi ayaa sheegay in shirka uu madaxweynuhu ku baaqay qeyb ka yahay dhameystirka hannaanka doorasho ee dalka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedeyn ka timid xubnaha mucaaradka gaar ahaan Midowga Musharixiinta oo sheegay in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo uu carqalad ku yahay wada hadallada Ra’iisal Wasaaraha iyo mucaaradka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaanshi ayaa sheegay in shirka uu madaxweynuhu ku baaqay qeyb ka yahay dhameystirka hannaanka doorasho ee dalka, iyadoo laga anbaqaadayo heshiiskii Baydhabo ay ku gaareen guddiyadii kala matalayay dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in shirkaasi uusan marnaba carqalad ku aheyn dadaallada Ra’iisal Wasaaraha oo awood u leh ayuu yiri in uu cid walba kala fariisto sidii looga heshiis lahaa muwaadiicda waaweyn ee leysku hayo.

”In shirka uu ku baaqay madaxweynaha uu Muqdisho ka furmo marnaba caqabad kuma aha dadaallada dhinaca kale ee socda ee Xukuumadda waddo, balse waxaa la oran karaa waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay ay rajo wanaagsan ka qabaan in shirkaasi uu dhaco, madaama ayuu yiri madaxweynuhu tanaasulaad weyn uu ka sameeyay arrimihii ugu waaweynaa ee leysku hayay” Mar haddii madaxweynuhu tanaasul xoog leh sameeyey, si loo qanciyo walaalaha kale, waxaan aad ugu raja weynahay in shirka 4-ta bishan ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

- Advertisement -

Hadalka afhayeenka ayaa imanaya xili uu shaki weyn ka jiro qabsoomida shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay, madaama labada madaxweyne dowlad gobolleed Puntland iyo Jubbaland sheegeen in wali aysan ku qanacsaneyn hannaanka uu wax u maamulayo madaxweyne Farmaajo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts