HomeCaalamkaMareykanka: Muwaadin Soomaali ah oo ka badbaaday in laga soo…

Mareykanka: Muwaadin Soomaali ah oo ka badbaaday in laga soo…

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Garsoore Sarah B. Mazziye oo ka tirsan Maxkamadda Gobalka Minnesotta ee dalkaasi waxay shalay amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif Cabdi, kaasi oo qorshuhu ahaa in loo soo masaafuriyo dalka Somalia.

C/qaadir Shariif Cabdi oo dalka Maraykanka qaxooti ahaan u galay sannadihii 1990-aadkii ayaa waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa kooxaha Burcadda ee dadka dhaca, waxaana isaga lagu soo oogay inuu dhacay gaadiid, hanti iyo in dhowr jeer la qabtay isagoo sarqaansanaa.

- Advertisement -

Sannadkii 2002-dii ayaa waxa la amray in loo dhoofiyo Somalia, inkastoo Hay’adda Socdaalka sheegtay inay si dhow ula soconayaan xaalladiisa, isagoo si Ku-meel-gaar ah loo sii daayey, balse bishii Janaayo ee sannadkii hore ayaa mar kale la xiray.

Waxaa la qorsheeyey bishii Maarso ee sannadkii hore in C/qaadir Shariif Cabdi ka mid noqdo 68 Soomaali ah oo iyagu loo soo dhoofinayey Somalia, balse, Garsoore Sarah B. Mazziye waxay bishii November codsatay in lagu sii hayo Xabsiga.

Si kastaba ha ahaatee, isla Garsoore Sarah B. Mazziye waxay shalay amartay in la sii daayo Muwaadinkaasi Soomaalida ee lagu magacaabo C/qaadir Shariif Cabdi.

- Advertisement -

Dadkii Soomaalida ee shalay ku sugnaa Hoollka Maxkamadayntiisa waxay mar qura farxad la qeyliyeen markii lagu dhawaaqay inaan la masaafurin doonin, lana sii daayey C/qaadir sheikh Cabdi.

Latest stories