HomeCaalamka(LA-YAABKA): Maalinta Jacaylka oo loo bedeli doono Maalinta Walaasha ‘Sister’s Day’

(LA-YAABKA): Maalinta Jacaylka oo loo bedeli doono Maalinta Walaasha ‘Sister’s Day’

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Jaamacadda Beeraha ee magaalladda Faysalabaad ee dalka Pakistan  (The University of Agriculture in Faisalabad (UAF) waxay magac-bedel ku sameeyeen Maalinta Jacaylka  (Valentine’s Day) oo ay dalalka Reer Galbeedka u dabaal degaan bisha Feberaayo 14-da ee sannad kasta. Magac-bedelkaasi ayaa la doonayaaa in Dhallinyaradda Mulslimiinta in lagu dhiiri-geliyo  Dhaqanka Islaamka, lagana weeciyo Dhaqanadda Reer Galbeedka ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Jaamacadda Beeraha ee magaalladda Faysalabaad ee dalka Pakistan  (The University of Agriculture in Faisalabad (UAF) waxay magac-bedel ku sameeyeen Maalinta Jacaylka  (Valentine’s Day) oo ay dalalka Reer Galbeedka u dabaal degaan bisha Feberaayo 14-da ee sannad kasta.

Magac-bedelkaasi ayaa la doonayaaa in Dhallinyaradda Mulslimiinta in lagu dhiiri-geliyo  Dhaqanka Islaamka, lagana weeciyo Dhaqanadda Reer Galbeedka ee ku aadan Maalinta Jacaylka.

- Advertisement -

Jamaacadda  (The University of Agriculture in Faisalabad (UAF)  oo ku taalla Bartamaah Gobalka Punjab ee dalka Pakistan waxay qorsheynayaan  in marka la gaaro maalinta 14-ka Feberaayo inay inay  Gabdhaha Ardayda ah u qeybiyaan Qamaar ama Masar iyo Shaal, si loo muujiyo Xushmadda loo hayo Haweenka.

Ku-xigeenka Hormuudka Jaamacadaasi, Zafar Iqbaal waxa uu Websaytka Jamaacadda soo dhigay qoraal uu ku qoray in dhaqankeenna na barayo inay  Haweenka yihiin kuwo karti ama awood leh, loona baahan yahay in iyaga loo xushmeeyo sida Gabdho kula dhashay (Abaayo), Hooyooyin, Xaasas iyo Gabdho la dhalay oo kale.

“Waxaan illowaynaa Dhaqankeenna, iyadoo Dhaqanka Reer Galbeedka u muuqda mid qaadanaya asaaska bulshadeenna” ayuu sii raaciyey.

- Advertisement -

Afhayeenka Jaamacadda Beeraha ee magaalladda Faysalabaad ee dalka Pakistan, Qamar Bukhaari waxay sheegtay inay Maamulka Jamaacadda qorsheynayaan inay  ugu yaraan 1,000 qamaarka ama Madax-saarka ay Haweenka Muslimiinta hagoogtaan  ugu deeqaan Gabdhaha Ardada ee dhigta Jaamacadaasi, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 14,000 oo Arday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts