HomeCaalamkaMuwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudan iyo Dowladda Federaalka oo ka...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudan iyo Dowladda Federaalka oo ka hadashay

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdirisaaq Axmed  Shoole oo xafiiskiisa ku qaabilay ehelada iyo qaraabada muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan ayaa uga warbixiyey xogta rasmiga ah ee laga hayo falkan iyo dadaallada ku qotoma arrinkan ee Safaaraddu ay waddo.

Danjire Shoole ayaa u tacsiyeeyay qoyska iyo qaraabada marxuum Cabdisamad Batuun Kaahin, kuwaas oo ka soo kicitamay magaalada Hargaysa  si ay goob joog uga noqdaan hannaanka sharci ee socda, kaalintoodana ay uga qaataan dhammeystirkeeda.

- Advertisement -

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa bogaadiyey sida jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan ay u soo dhaweysay ehelada iyo qoyska marxuumka ee soo gaaray Khartoum, isagoona tilmaamay in Safaaraddu ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteenna ku sugan dalka Suudan.

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ayaa uga mahadceliyey Safiirka soo dhaweynta wanaagsan iyo sida masuuliyadda leh uu ugu istaagay dhibkii dhacay.

Dowladda Suudaan ayaa gacanta ku haysa eedaysanaha dilkan ku lug leh oo isna ah muwaadin Soomaaliyeed, iyadoona ay socdaan baaritaannada la xiriira iyo tallaaboyinka sharci ee lagu wajahayo.

Latest stories