HomeCaalamkaAkhriso:-Saameynta uu Soomaalida ku yeeshay weerarkii Nairobi

Akhriso:-Saameynta uu Soomaalida ku yeeshay weerarkii Nairobi

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ka dib markii ay soo shaac baxday in dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen dhismaha Dusit D2 ee xaafada Westland ee Nairobi, ayaa Soomaali badan oo ku nool caasimadda waxaa la soo gudboonaaday walaac xooggan. Dadka ayaa ka cabsi qabay in maadaama mas’uuliyadda weerarka uu sheegtay Al-Shabab ee saldhigiisu yahay Soomaaliya, ay taasi keeni karto […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ka dib markii ay soo shaac baxday in dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen dhismaha Dusit D2 ee xaafada Westland ee Nairobi, ayaa Soomaali badan oo ku nool caasimadda waxaa la soo gudboonaaday walaac xooggan.

Dadka ayaa ka cabsi qabay in maadaama mas’uuliyadda weerarka uu sheegtay Al-Shabab ee saldhigiisu yahay Soomaaliya, ay taasi keeni karto in ciidammada ammaanka ay bartilmaameedsadaan xaafada Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay. Sidoo kale waxaa jirtay cabsi ah in shacabka kale ee Kenyan-ka ah ay beegsadaan Soomaalida.

- Advertisement -

Durbadiiba waxaa baraha bulshada ka bilowday olole ay Soomaalida ku nool Kenya ku muujinayaan in aanay wax xiriir ah la lahayn weerarka, iyadoo si weyn loo adeegsanayo halku dhig ah “argagixisadu Diin ma laha.”

Cabsida ugu badan ayaa ka taagneyd raacidda gaadiidka dadweynaha, waxaana dad badan ay ku qasbanaadeen inay kiraystaan tagaasi.

“Waxaan soo galay bas ka mid ah kuwa dadweynaha oo taagnaa goobta gawaaridda laga raaco. Maadaama aan degdegsanaa, baskuna u muuqday mid aan si dhaqsaha ku buuxsameyn, ayaa waxaan go’aansaday inaan isaga dego. Balse arintaasi ayaa shaki badan ku abuurtay dadkii baska saarnaa, oo qaarkood ayaa ku sigtay inay ka soo degaan.” ayuu yiri Maxamed oo ka mid ah Soomaalida Nairobi.

- Advertisement -

Maxamed Cabdullahi, madaxii hore ee laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in xitaa qaar ka mid ah Soomaalida ay dadkooda ku dhinteen weerarka ee ka raadinayay goobta meydadka lagu keydiyo si aan wanaagsaneyn loogu eegayay.

Ganacsatada xaafada Islii ayaa shaaciyay in maanta ay xiri doonaan meheradahooda si ay taageero ugu muujiyaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Dusit D2.

Ilaa iyo hadda lama sheegin qof Soomaali ah oo Nairobi loogu beegsaday weerarkaasi awgii.

Markii ay cadaatay in qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyay aanay Soomaali ahayn, ayaa sida muuqata waxaa yaraaday cadaadiskii baraha bulshada ka saarnaa Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan kuwa Nairobi.

BBC SOMALI

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts