HomeCaalamkaSoomaaliland oo Aqoonsi ku raadinaysa marti-gelinta dalalka danaynaya inay Saldhigyo Milliteri ka...

Soomaaliland oo Aqoonsi ku raadinaysa marti-gelinta dalalka danaynaya inay Saldhigyo Milliteri ka dhistaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland. Toddobadakii la soo dhaafay, Xoghayaha Difaaca Britain, Gavin Williamson waxa uu booqasho aan […]

- Advertisement -

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland.

- Advertisement -

Toddobadakii la soo dhaafay, Xoghayaha Difaaca Britain, Gavin Williamson waxa uu booqasho aan la shaacinin ku tegay magaalladda Hargeys, isagoo la kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi, Muuse Biixi Cabdi iyo  Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo  Difaaca  iyo Taliyaha Ciiddanka Somaliland.

Sannadkii 1991-kii, ayey Somaliland sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, balse ma jiro Waddan aqoonsaday Ictiraaf-doonkooda 28-sanno jirsaday.

Madaxa Ergadda Somaliland ka jooga dalka Ethiopia, Axmed Xasan Cigaal ayaa u xaqiijiyey  Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency inay Ciiddanka Badda ee dalka Britain Saldhig ka samaysan doonaan Dekedda magaalladda Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey inuu xaqiijiyo dareenka Britain ee ay Somaliland kaga dhisanayaan Saldhig Milliteri waxa uu tilmaamay inay Somaliland istaraatijiyad  muhiim u tahay Caalamka, isla markaana ay xiriir taariikhi ah la leeyihiin Britain.

Sidoo kale, Ciiddanka Badda ee dalka Raashiya ayaa la sheegay inay doonayaan inay Saldhig Milliteri ka dhistaan magaallo xeebeedka Saylac ee Somaliland, halkaasi oo Saldhig u noqon doonta 1,200 Askar Raashiyaan ah iyo hubkooda kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Hanka Somaliland ee ay doonayaan  inay ku kasbadaan Dalalka danaynaya Saldhigyadda Milliteri ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay dalka Jabuuti ku yaallaan Saldhigyadda Milliteri ee ugu badan ee dalalka shisheeyaha ku leeyihiin Geeska Afrika.

Waddanka Jabuuti waxay haatan marti-gelisay Saldhigyadda Ciiddanka Badda ee dalalka Faransiiska, Maraykanka, Shiinaha, Japan iyo Talyaaniga, waxaana ka soo gala Dakhli ballaaran.

Latest stories