HomeCaalamkaSoomaaliland oo Aqoonsi ku raadinaysa marti-gelinta dalalka danaynaya inay Saldhigyo Milliteri ka...

Soomaaliland oo Aqoonsi ku raadinaysa marti-gelinta dalalka danaynaya inay Saldhigyo Milliteri ka dhistaan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland. Toddobadakii la soo dhaafay, Xoghayaha Difaaca Britain, Gavin Williamson waxa uu booqasho aan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland.

- Advertisement -

Toddobadakii la soo dhaafay, Xoghayaha Difaaca Britain, Gavin Williamson waxa uu booqasho aan la shaacinin ku tegay magaalladda Hargeys, isagoo la kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi, Muuse Biixi Cabdi iyo  Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo  Difaaca  iyo Taliyaha Ciiddanka Somaliland.

Sannadkii 1991-kii, ayey Somaliland sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, balse ma jiro Waddan aqoonsaday Ictiraaf-doonkooda 28-sanno jirsaday.

Madaxa Ergadda Somaliland ka jooga dalka Ethiopia, Axmed Xasan Cigaal ayaa u xaqiijiyey  Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency inay Ciiddanka Badda ee dalka Britain Saldhig ka samaysan doonaan Dekedda magaalladda Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey inuu xaqiijiyo dareenka Britain ee ay Somaliland kaga dhisanayaan Saldhig Milliteri waxa uu tilmaamay inay Somaliland istaraatijiyad  muhiim u tahay Caalamka, isla markaana ay xiriir taariikhi ah la leeyihiin Britain.

Sidoo kale, Ciiddanka Badda ee dalka Raashiya ayaa la sheegay inay doonayaan inay Saldhig Milliteri ka dhistaan magaallo xeebeedka Saylac ee Somaliland, halkaasi oo Saldhig u noqon doonta 1,200 Askar Raashiyaan ah iyo hubkooda kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Hanka Somaliland ee ay doonayaan  inay ku kasbadaan Dalalka danaynaya Saldhigyadda Milliteri ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay dalka Jabuuti ku yaallaan Saldhigyadda Milliteri ee ugu badan ee dalalka shisheeyaha ku leeyihiin Geeska Afrika.

Waddanka Jabuuti waxay haatan marti-gelisay Saldhigyadda Ciiddanka Badda ee dalalka Faransiiska, Maraykanka, Shiinaha, Japan iyo Talyaaniga, waxaana ka soo gala Dakhli ballaaran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts