HomeCaalamkaIGAD oo sheegtay inay taageero ka geysanayaan Doorashooyinka Maamul-gobaleedyadda iyo….

IGAD oo sheegtay inay taageero ka geysanayaan Doorashooyinka Maamul-gobaleedyadda iyo….

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Qoraal ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu muujiyey sida ay u danaynayaan inay taageero uga geystaan Doorashadda socota ee Maamul-gobaleedyadda ee Somalia, taasi oo horseedi karta Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod ee Somalia ka dhici doonta sannadka 2020-ka. IGAD waxay sheegtay inay si dhow ula socdaan Horumaradda ka socda Jamhuuriyadda Federalka Somalia, isla […]

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu muujiyey sida ay u danaynayaan inay taageero uga geystaan Doorashadda socota ee Maamul-gobaleedyadda ee Somalia, taasi oo horseedi karta Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod ee Somalia ka dhici doonta sannadka 2020-ka.

IGAD waxay sheegtay inay si dhow ula socdaan Horumaradda ka socda Jamhuuriyadda Federalka Somalia, isla markaana ay si diiran u soo dhaweynayaan sida ay DFS uga go’an tahay inay  Doorasho Xor iyo Xaq ah dhacdo sannadka 2020-ka, si loo hubiyo Ajendaha Isbedelka ee Federaalisimka, iyadoo loo marayo Tubta Siyaasadda ee Somalia (The Political Roadmap of Somalia).

- Advertisement -

Qoraalka IGAD waxaa kaloo lagu xusay inay dhiiri-gelinayaan dadaalka loogu jiro Dimuqraadiyeynta Somalia si loo mideeyo Dowlad-wanaagga iyo Ka-qeybgalka ballaaran ee Muwaadiniinta si ay uga shaqeeyaan Dimuqraadiyadooda iyo Xuquuqaha Muwaadinimo.

IGAD waxay hoosta ka xariiqday inay sii wadi doonaan Ballanqaadkooda ku aadan Taageeradda DFS iyo Dadka Somalia ee xilligan Adag  iyo soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD  waxaa lagu xusyainay DFS ka taageeri doonaansidii loo dedejin lahaa Go’aanka Siyaasadeed ee samaynaya horumar lama huraan u ah dhismaha Heshiis iyo Midnimo Qaran.

Latest stories