HomeCaalamkaSawirro:-Trump oo booqasho aan la shaacin ugu tegay Ciidammada Mareykanka ee Ciraaq

Sawirro:-Trump oo booqasho aan la shaacin ugu tegay Ciidammada Mareykanka ee Ciraaq

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safrene “xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahadceliyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay. Mr […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq.

Waxa ay halkaas u safrene “xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahadceliyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay.

- Advertisement -

Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq.

Safarkan ayaa yimid maalma un kaddib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis kaas oo xilkiisa ka tegay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka.

Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

- Advertisement -

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay.

Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah.

Maxaa dhacay intii ay socotay booqashada Trump?

Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga.

Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego.

Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen.

“Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.”

Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters.

Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish.

“Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts