HomeCaalamkaMadaxweyne Farmaajo oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal...

Madaxweyne Farmaajo oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy  Boqorka Dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah.

Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto,samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga.

Latest stories