HomeCaalamkaJabuuti oo lagu qabtay Nin ku eedeysan weerar ka dhacay Faransiiska

Jabuuti oo lagu qabtay Nin ku eedeysan weerar ka dhacay Faransiiska

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Saraakiisha Ammaanka ee dalalka Jabuuti iyo Faransiiska ayaa xaqiijiyey in Jimcihii la soo dhaafay Jabuuti lagu qabtay nin haysta dhalashadda Faransiiska oo lagu magacaabo Peter Sherif, laguna naanayso Abu Xamza. Ninkaasi ayaa la tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerar bishii janaayo 7-dii ee sannadkii 2015-kii lagu qaaday Xafiisyadda Wargeyska Charlie Hebdoee magaalladda Paris, laguna dilay  12-qof […]

- Advertisement -

Saraakiisha Ammaanka ee dalalka Jabuuti iyo Faransiiska ayaa xaqiijiyey in Jimcihii la soo dhaafay Jabuuti lagu qabtay nin haysta dhalashadda Faransiiska oo lagu magacaabo Peter Sherif, laguna naanayso Abu Xamza.

Ninkaasi ayaa la tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerar bishii janaayo 7-dii ee sannadkii 2015-kii lagu qaaday Xafiisyadda Wargeyska Charlie Hebdoee magaalladda Paris, laguna dilay  12-qof oo u badnaa Tifafyirka iyo shaqaalihii Wargeyskaasi.

- Advertisement -

Wargeyskaasi waxa uu xilligaasi  soo bandhigay Sawiro lagu aflagaadeeyey Nebigeenna Muxumada Calayhi Salaatu Wasalaam.

Sawiradaasi waxaa si kulul u cambaareeyey inta badan dalalka Islaamka, oo sheegay inuu Wargeyskaasi si cad ugu xad-gudbay Haybada Nebigeenna Muxumad Naxariisi iyo Nbaadgeliyo korkiisa ha ahaatee iyo Diinta Islaamka.

Wasiirka Ciiddamadda Hubeysan ee dalka Faransiiska, Florence Parly waxay soo dhaweysay tallaabadda lagu qabtay Eedeysanaha, Peter Sherif oo isaga soo Islaamay sannadkii 2003-dii.

- Advertisement -

Waxa uu isla sannadkaasi, dagaal Jihaad ah u aaday dalka Iraq, xilligaasi oo ku beegnayd, markii ay Maraykanka duullaanka ku qabsadeen dalka Iraq.

Peter Sherif oo taabacsanaa Ururka Al-qaacida waxaa markii ugu horreysay lagu qabtay dalka Iraq sannadkii 2004-tii, xilligaasi oo uu u dagaalamayey Alqaacida.

Milliterigii Mraaykanka ee ku sugnaa Iraq waxay Peter Sherif iyo nin kale oo u dhashay Faransiiska ku qabteen meel ku dhow magaalladda Faluuja bishii December 2-dii ee sannadkii 2004-tii.

Bishii July ee isla sannadkaasi, Maxkamad ku taalla magaalladda Baqdaad waxay ku xukuntay 15-sanno oo Xabsi ah, balse waxa uu Xabsiga ka baxsaday bishii Maarso ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Kooxda Daacish jebiyeen Xabsigaasi.

Peter Sherif waxa u safray dalka Syria, halkaasi oo lagu qabtay, waxaana loo masaafuriyey Faransiiska oo uu ku so oqaatay Xabsi 18-bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee, xarigiisa isbuucan ee Peter Sherif lagu qabtay dalka Jabuuti waxaa markii ugu horreeyey lagu daabacay Shabakadda Wararka Faransiiska ee Marianne.

Shabakadda waxay sheegtay in Peter Sherif  sida ugu dhaqsaha badan loogu celin doono dalka Faransiiska, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Hay’adda Sharci-xoojinta ee dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories