HomeCaalamkaMaxkamad ku taalla dalka Britain oo Xukun ku riday Burcad Soomaali...

Maxkamad ku taalla dalka Britain oo Xukun ku riday Burcad Soomaali ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wargeyska Bristol Post ee ka soo baxa dalka Britain waxa uu qoray in 4 nin oo Dilayaal ah, kuna caan baxay Burcadnimo iyo Kufsi ayaa la soo taagay Maxkamadda Bristol Crown Court ee dalkaasi. Maxkamaddu waxay sheegtay inuu isbuuc aad u mashquul badan u ahaa qaadista Dacwadaha loo haystay raggaasi oo  kala ahaa 2 Somali […]

- Advertisement -

Wargeyska Bristol Post ee ka soo baxa dalka Britain waxa uu qoray in 4 nin oo Dilayaal ah, kuna caan baxay Burcadnimo iyo Kufsi ayaa la soo taagay Maxkamadda Bristol Crown Court ee dalkaasi.

Maxkamaddu waxay sheegtay inuu isbuuc aad u mashquul badan u ahaa qaadista Dacwadaha loo haystay raggaasi oo  kala ahaa 2 Somali ah iyo 2 u dhalatay dalka Britain.

- Advertisement -

Burcadaas oo ku caan baxday tahriibinta iyo iibinta noocyadda Daroogadda ee ugu khatarta badan waxay ku eedeysnaayeen inay weerareen 3 dhallinyaro Somali ah oo qeyb ka ah Ganacsiga Daroogadda.

Burcadda waxay dhallinyarada Soomaalida ku weerareen mindiyo, maqaro iyo qoryo, waxayna halkaasi ku dileen Marxuum la oran jirey Yaasiin Salax Axmed oo 21-jir ah.

Burcaddaasi waxay kaloo si xun u dhaawaceen 2 dhallinyaro Somali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay:  Ayuub Diiriye iyo Axmed Jamaac.

- Advertisement -

Afarta Eedeysane ee loo haysto dilkaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:

Koriye Xasan oo 26-jir ah, Yoonis Dhiblaawe oo 24-jir ah, Leyon Eaton oo 37-jir ah iyo Jordan Lee Parker, oo 23-jir ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories