HomeCaalamkaLA-YAAB: Nin fuulay Taawar Isgaarsiineed, si loogu doorto Ra’isul-Wasaaraha dalka Pakistan

LA-YAAB: Nin fuulay Taawar Isgaarsiineed, si loogu doorto Ra’isul-Wasaaraha dalka Pakistan

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad waxaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacday Arrin Mucjiso, kadib, markii uu Wiil Dhallinyaro ah koray Taawar ay lahayd Shirkad Mobayl (a moble tower), wuxuuna qeylo-dheer ku sheegay inuu doonayo in laga dhigo Ra’isul-wasaaaraha dalkaasi.

Telefishinka Geo News ee ugu caansan Telefishinadda dalka Pakistan ayaa soo weriyey in Wiilka dhallinyarada oo magaciisa la qariyey sheegay haddii laga dhigo Ra’isul-wasaare inuu hagaajin doono  xaalladda Dhaqaalaha Pakistan, isla markaana uu 6 bilood gudaheeda ku bixin doono lacagaha daynta ee lagu leeyahay Pakistan.

- Advertisement -

Wiilkaasi oo  ka soo jeeda Degmadda Sargodha  ayaa la sheegay inuu hdaalkaasi codsiga uu ka dul sheegay dhakadda Tawarka Mobayladda oo ku yaalla Deegaanka Bulugga ee magaalladda Islamabaad, isagoo weliba gacanta ku haystay Calanka Pakistan.

Waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo inuu la hadlo Ra’isul-wasaare Iraam Khaan ama Sarkaalka Boliska ee Degmadda Sargodha.

Si kastaba ha ahaatee,Saraakiisha Badbaadada ayaa adeegsaday Wiish, si ay Boliska uga caawiyaan in Wiilka Dhallinyarada lagu qanciyo in laga soo dejiyo Tawarka uu dhakada ka koray.

- Advertisement -

Wiilka dhallinyarada markii la soo dejiyey waxaa loo gudbiyey Saldhig Bolis, mana kala cadda inuu Ra’isul-wasaaraha Pakistan la kulmi doono iyo in lagu sii hayn doono Xabsiga.

  1. Ustaad Nuradin

Latest stories